Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u codeeyay Qaraar Wasaaradda Maaliyadda ay u gudbisay oo lagu kordhinayo Miisaaniyadda Bilaha October, November iyo December.
Miisaaniyadda la kordhiyay waxaa ku jira Xuquuqda iyo Mushaarka Ciidamada Qaranka ee la siinayo saddexda bil ee ka dhiman sanadkan 2018-ka.
Kulanka Golaha oo ay Xaadireen Xildhibaano gaaraya 158-Xildhibaan, 153-kamid ah waxa ay u codeeyeen Qaraarka Wasaaradda Maaliyadda, 3-Xildhibaan ayaa ka aamustay halka ay diideen 2-kale, sidaas ayuu qaraarkaas ansax ku noqday sida uu ku dhawaaqay Natiijada Cabdiwali Shiikh Ibraahim Muudey Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka oo ahaa shir gudoonkii maanta.
Ku noqoshada miisaaniyadda 2018 waxaa si wadajir ah usoo diyaariyay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya iyo guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka.
Wasiirka Wasaaradda Malaiyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo kulanka ka hadlay ayaa Golaha shacabka ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay in uu golaha shacabka la wadaago arrimaha ku saabsan maaliyadda dalka.
Intaas kadib Xildhibaanda ayaa guda galay hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka oo ay mariyeen Aqrinta saddexaas, kadib waxa ay cod u qaadeen hindisahaan oo ay u codeeyeen Xildhibaanadii fadhiga ka qaybgalay ee gaarayay 158-Mudane.