Xildhiban Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Soomaaliya.
Maxamed Mursal, oo ahaa waasiirkii gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, oo uu iska casilay toddobaadkii tagey, ayaa ka adkaaday musharaxiin dhowr ah oo xilkaas kula tartameysay.
Wuxuu wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Ibraahim isaaq Yarow.
Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la soo gabagabeeyay.
Doorashada Guddoomiyaha ayaa waxaa Ku tartamay ilaa iyo 10 musharax.
Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa Ku guulaystay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan kaasi oo helay codad gaaraya 147 cod, sida uu Ku dhawaaqay guddoomiye Ku xigeenka Golaha Shacabka Cabduwali Sheekh Muuday oo Shirka Golaha Shacabka guddoominayay.
Ibrahim Isaaq Yerow oo ahaa musharixii labaad ee ugu codka ugu badan keenay waxaa uu helay 118 cod.
Maxamed Mursal ayaa bedelaya Maxamed Cismaan Jawaari oo iska casilay xilkan 9-kii bishan kadib markii laga keenay Mooshin kalsooni kala noqosho ah.
Guusha Mursal ayaa la sheegay inay timid kadib markii Xildhibaanadii u codeeyay Cabdicasiis Lafta Gareen ay aadeen dhankiisa, oo halkaasi ka helay cod badan.
Maxamed Mursal ayaa noqonaya gudoomiyihii labaad ee Gollaha oo la dhisay sanadkii 2017-ka.
Ibrahim Yarow ayaa sheegay in doorashada ay u dhacday si guul ah islamarkaana Dimuqraadi ah.
Waxaa uu tilmaamay inuu la shaqayn doono Guddoomiyaha la doortay ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu u mahad ciliyay dadkii kala shaqeeyay howshii tartanka iyo Xildhibaanada codkooda siiyay.
Waxaa uu sheegay in waajibkiisa uu gudan doono islamarkaana uu ilaalin doono midnimada baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.