Bar-kontoroollada Magaalada Muqdisho oo la kormeeray (Sawiro)

903

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, oo ay waheliyaan mas’uuliyiinta hay’adaha amniga  ayaa kormeeray Baraha  Kontaroollada iyo xarumaha  Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Daafaha magaaladda Muqdisho.

Wasiirka Kormeerkiisa waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe loo yaqaano, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha Ammaanka dowladda.

Ciidanka Ammaanka ayey gaarsiiyeen Afur iyo dharka qabowga laga xirto, waxaana ay ku boggaadiyeen sida hagar la’aanta ah ay u gudanayaan waajibaadka shaqo ee Qaranka uu u idmaday, sida ay ku warantay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Federalka ah ee Soomaaliya.