Bannaanbax looga soo horjeedo mooshin laga keenay Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ka dhacay

1104
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Banaanbaxyo looga soo horjeedo mooshin ay qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ka gudbiyeen  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajoayaa ayaa maanta ka dhacay qeybo kamid ah caasimadda Muqdisho.

Wadada caanka ah ee Makka Al mukarama iyo tan soddonka ah ee magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayay dad weyne farabadan kuwaasoo sheegayay in ay kasoo horjeedaan mooshinka madaxweyne Farmaajo waxaana ay ku hadaaqayeen hadalo ka dhan xildhibaanada mooshinka keenay.

Dibadbaxan oo ay ka qeyb galayaan qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Banaadir, ayay dadweynuhu ku diiddanyihiin in xilligaan xasaasiga ah la cuuryaamiyo shaqada dowladda iyagoo uga digaya baarlamanku inuu qaado tillaabo isku day ah oo xilka looga qaadayo Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa la sheegayaa in ay ka yimaadeen degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir waxaana sawiro laga soo qaaday ay muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan ugana careysanj yihiin mooshinka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Kala qeybsanaanta baarlamaanka ayaa cabsi weyn ku abauurtay muwaadiniin badan iyo beesha caalamka ee daneysa arrimaha Soomaaliya.