Bangladesh: Maxkamad xukun dil ah ku riday 7 ruux

560

Maxkamad ku taalla dalka Bangladesh ayaa 7 qof ku riday xukun dil toogasho ah kuwaasi oo la xiriirinayay weerarkii 2016kii lagu qaaday makhaayad ku taal caasimadda Bangladesh ee Dhaka halkaas oo lagu dilay 22 qof, oo u badan ajnabi.

Weerarka lagu qaaday Makhaayada Holey Artisan cafe ee ku taallay caasimadda Dhaka ayaa waxaa fuliyay koox shan nin ah.

8 qof ayaa maxkamad la soo taagay, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen oo ay u siiyeen kuwa weerarka soo qaaday hub. Hal nin ayaa la siidaayay.

Go’doomintii 12-ka saacadood ahayd waxa uu ahaa weerarkii argagixiso ee ugu dhimashada badnaa taarikhada Bangladesh.

Dadka weerar lagu dilay badankood waxay ahaayeen muwaadiniin u dhashay Talyaaniga ama Japan.

Weerarka waxaa sheegatay kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka (Daacish), laakiin dowladda Bangladesh ayaa arintan ka diiday, taa badalkeed waxay ku eedeeysay in ay ka dambasay koox xagjir ah oo maxali ah.