Bangiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya ka saamaxay deymihii uu kulahaa

183

Bangiga Hormarinta Afrika (AFDB) ayaa 122.55 milyan oo doollar oo aheyd deyn uu  kulahaa Soomaaliya ka saamaxay, kadib markii ay lacagtaas bixiyeen Boqortooyada Ingiriiska iyi Midowga Yurub, sida lagu cadeeyey qoraal ka soo baxay Bangiga Afrika oo lagu sheegay in ay astaan u atahy dhammaadka cunaqabateynta iyo bilaabashada  wadashaqeynta Bangiga Horumarinta Afrika iyo Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa talaabada Bangiga Horumarintu qaaday ku tilmaamay mid bilow cusub u ah Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in ay sii wadi doonaan dib u habeynta maaliyada tan iyo inta laga xaqiijinayo cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Akinwumi Adesina, Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda taariikhdaan leedahay, waxaana uu muujiyey sida ugu faraxsanyahay doorka hogaaminta ee uu qaatay Bangiga Horumarinta Afrika si deynta looga cafiyo Soomaaliya, taas oo ku tilmaamy mid ka turjumeysa awoodda iskaashiga iyo wadashqeynta joogtada ah.

“Waxaan amaanayaa dadaalada dowladda Soomaliya ee dib u habeynta, dowladda Ingriiska iyo dowladaha Midowaga Yurub ee bixiyey Deyntii Bangiga Horumarinta Afrika kulahaa Soomaaliya,intaas oo wadajirah, waxay sidaas u sameenayeen waa dadka Soomaaliyeed dartood” sidaas waxaa yiri Akinwumi.

Warka ka soo baxay Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB) ayaa lagu xusay siyaasad cusub  oo dhanka howlaha ee kuwajahan Soomaaliya iyo sida uu gacan uga geysan karo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta hormarka Soomaaliya. Sidoo kale Bangiga ayaa hadda ka caawiya Soomaaliya dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Beeraha, Biyaha, Nadaafadda, gadiidka, tamarta, arrimaha bulshada iyo dhisidda awoodda wax looga qabanyo dhincyo badan oo dhaqaalaha, taas oo ay ku baxeyso lacag dhan 135 Milyan oo doollar.

“Warbixinta AFDB waxa ay cadeyneysaa isbadalka muuqda ee aan ka sameynay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.

Waxa aan mahadcelinayaa saaxibadeena caalamka, si gaar ah UK iyo EU oo garab buuxa nagu siiyay in deyntaan uu naga cafiyo Bangiga horumarinta Afika”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

SHARE