Bangiga horumarinta Afrika oo mashariic malaayiin doollar ku kacaysa ugu deeqay Soomaaliya

637

Bangiga horumarinta Afrika ayaa lacag gaareysa $29Milyan oo doollarka Mareykanka ah ugu deeqay Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Koofur Galbeed.

Akinwumi Adesina , oo ah madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in lacagahaas loogu talagalay Biyaha, Nadaafadda iyo dhismaha Waddooyinka.

Waxaa uu xusay in dadka ku nool labada dowlad Goboleed ay 65% ku noolyihiin heerka ka hooseeya faqriga.

Waxaa uu xusay in 70% dadka ku nool labada Maamul Goboleed ay ka yaryihiin da’da 30jirka ayna u badanyihiin shaqo la’aan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle oo lacagtan ka guddoomay Bangiga horumarinta Afrika ayaa u mahadceliyay madaxweynaha Bangiga horumarinta Afrika