Muqdisho (UM) – Qeylo iyo sawaxan badan kaddib Xildhibaannadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay wax ka beddelka xeerka Bangiga Dhexe, sidaas darteedna waxay taasi u ogolaaneysaa cid kasta oo aqointeeda leh in ay hoggaamiso Bangiga. Wixii hadda ka horreeyay Guddoomiyaha Banigaga waxaa noqon karay oo kali ah muwaadin Soomaaliyeed. Go`aanka ay Baarlamaanku qaateen ayaa ah mid taariikhi ah oo ku qotoma xaqiiqda jirta.
Xubnaha Baarlamaanka ee u codeeyay waa waxa ay mudan yihiin boggaadin, kuwii waddinayd aan jirin ku diidayna la xusuustaa. Ma jirto wax dan qaran ah oo ku jirta in magacaabista meelaha muhiimka ah lagu saleeyo habka 4.5 ee qabiilka, iyada oo waliba ay bilaw tahay dib u habeynta lagu sameynayo nidaamka Maaliyadda.
Wasaaradda Maaliyadda oo ku socota aragtida hoggaamineed ee wasiir Beyleh ayaa meesha ka saartay in qaab qabiil ah Bangiga lagu soo galo kaddib markii ay jagadaan Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ku xayaysiisay waregyska caanka ah ee Economist. Dad badan ayaa ku dooday in qarash badan uu ku baxayo xayaysiinta, hase yeeshee qiimo yar marka loo eego jagada la raadinayo oo ah qofkii horay u dhaqaajin lahaa nidaamka Maaliyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya.
Waxaa la yaab leh in dadka qaar oo awoodda heysta ay isku dayaan in ay danahooda kooban ku difaacaan waddaniyada iyo qiiro aan jirin, xaqiiqaduse waxay tahay in aysan hor istaagi karin isbedellada sida ay qoraxda sacabkooda aysan ugu qari karin. Dadka Soomaaliyeed waxay u baahanyihiin isbeddel, rejo ,iyo shaqooyin, Guddoomiye Bangi Dhexe oo karti u lehna waxa uu naga caawin karaan sidaan ku gaari lahayn yoolkaas.
Maxay faa’iido u leedahay dadka Soomaaliyeed Soomaalinimo iyo waddaniyad been ah oo xildhibaannada iska dhigaya in Baarlaamaanka ay ka difaacayaan ay qudhoodu khiyaameen. Dadka Soomaaliyeed si walba ayay uga hareen asaagood, waxaana sabab u ah dib u dhacaas amni darro iyo siyaasadaan qabka ku dhisan. Isbeddel waa qasab!
Ilo ku sugan wasaaradda Maaliyadda ayaa u sheegay UM in wareegga labaad ee wareysiyadda jagada Guddoomiyaha Bangiga Dhexe la qaadi doono dhammaadka bishaan. Dadka la soo xulay waxaa ku jira dad ajnabi ah oo maray hab adag oo codsi iyo wareysiyo ah. Sidoo kale waxaa jira dad Soomaaliyeed oo soo codsaday, hase yeeshee ugu danbeyntii waxaa la qaadanayaa qofka ugu wanaagsan. Sidaanna waa sida ay uga dhacdo meelaha kale.
Bangiga England oo ka mid ah Bangiyada adduunka ugu magaca weyn waxaa Guddoomiye ka ah nin u dhashay Kanada. Waxa uu Britain ka caawiyay sidii ay uga bixi lahayd caqabado badan oo dhaqaale oo soo food saaray. Dalal badan waxa ay wax ka faa’iideysataan khubaro shisheeye si ay u gaaraan yoolalka ay dalalkooda hiigsanayaan. Sidaas oo ay tahay waa maxay sababta ay Soomaaliya oo ku nool deeq shisheeye dadkeeduna ay adduunka ku kale firirsanyihiin ay wax u takooreysaa.
Dadweynuhu doqomo ma ahan oo way ogyihihiin in madaxweynuhu hasyto dhalashada Mareykanka, sidoo kalena Ra’iisul Wasaaraha dhalashada Norway haysta, si taas la mid ahna ay inta badan Xildhibaanada xitaa kuwii shalay qaylinayay ay haystaan dhalashooyin shisheeye. Maxay tahay dhibka ku jira in qof shisheeye ah oo u qalma uu hogaamiye Bangiga Dhexe?.Wareysi uu VOA Somali siiyay Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe CabduSalaam Cumar Hadliye oo qudhiisu heysta dhalashada Mareykanka ayuu ku soo dhaweeyay wax ka bedelkii ay Baarlamaanka ku sameeyeen xeerka Bangiga Dhexe isaga oo sheegay in Baarlamaanku ay sameeyeen wax wanaagsan Bangiga u maamuli doono cidda ugu habboon.
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waa mid madax bannaan una baahan dib u habeyn si uu si wanaagsan ugu shaqeeyo. Wax lacag ah lama daabacayo iyada oo aan wax isbeddel oo weyn lagu sameeyn. Ma jiri doono Bangi caalami ah iyo mid gudaha oo sida uu hadda yahay kula shaqeyn doona iyada oo aan wax laga beddelin. Dib u habeyn haddii aan Bangiga Dhexe lagu sameyn ma jiri doonto ama suuro gal maaha wax deyn ah oo la cafiyo.
Dhibka jira Soomaaliya waa in cidda aysan daacad ka ahayn dib u habeyn lagu sameeyo Hey’addaha dowladda. Ra’iisul Wasaaraha inkasta oo uu ballan qaaday in Agaasimayaasha wasaaraddaha ku magacaabi doono u qalma, walise waxaa muuqata in aysan taa dhicin labo sanno kaddib markii uu ballan qaadka sameeyay.
Safiirada waji gabaxa Soomaaliya u keena wali waa magacaabanayal siyaasadeed, halka wasiiradda iyo hawl waddeenada sarsare ee dowladda lagu magacaabo xiriir qoys ama mid saaxiibtinimo. Sidaas waa fashil weyn oo dhib weyn u geysanaya ummadda Soomaaliyeed.
Guddoomiye Dhexe oo leh karti wax qabad dalkuu rabo ha u dhashee waxa uu dowladdaan uu suuragalin karaa in ka dhabeyso isbeddelada ay ku hagaajineyso Hey’addaha dowladdeed. Halloo ogolaado in Bangiga Dhexe ay hogaamiso cidda ugu wanaagsan. Sidoo kale waa in cidda ugu wanaagsan ay hoggaamiso dhammaan Hey’addaha kala geddisan ee dowladda Soomaaliya