Bangiga adduunka oo yeeshay Guddoomiye cusub

676
David Malpas ayaa loo magaacabay Madaxweynaha Baanka Adduunka. AFP

Dhaqaaleyahan muran badan ka dhashay oo uu soo xulay Madaxweyne Trump ayaa la ansaxiyay in uu noqdo guddoomiyaha bangiga adduunka.

David Malpas oo xulafo dhaw la ah Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ahaa la taliye sare oo dhanka dhaqaalaha intii uu Madaxweyne Trump ku guda jiray ololihiisa doorashada 2016.

Magacaabista Malpas ayaa abuurtay dood adag, iyada dadka qaarna ay walwal ka muujiyeen suurtagalnimada in uu hoos u dhigo doorka bangiga maadaama uu si weyn u dhaliilsanaa bangiga ka hor inta uusan noqon guddoomiyaha.

Saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ayaa Febraayadii hore sheegay in Malpas oo muddo dheer ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga uu noqon doono mid u janjeera dhanka isbadallo kobac abuura.

Malpas ayaa si weyn usoo dhaweeyay magacaabistiisa isaga oo  sheegay in u ku faraxsanyahay. “Labadeena ujeedo ee mataanaha ee kala ah ciribtirka faqriga daran iyo barwaaqo la wada wadaago waa mid waali taagan oo aan sinaba  lagu dhaafin”. Ayuu sii raaciyay Malpas.

Dhaqaaleyahankaan horay uga tirsanaa shirkaddii dhanka maaliyadda Bear Sterns ee kacday sanadkii 2008 ayaa si weyn u dhaliilasanaa bangiga adduunka iyo hey’addaha kale ee maaliyadeed sida IMF, waxa uuna ku eedeeyay in ay yihiin kuwa faragalin badan oo si adag oo aan wax laga badali karin looo maamulo.

Malpas ayaa ku guuleeystay dhammaan codadka  golaha fulinta bangiga adduunka oo 25 xubnood ah. Mareykanka ayaa inta badan soo xusha cidda noqoneysa guddoomiyaha bangiga adduunka maadaama Mareykanku heysto saamiga ugu badan ee dhanka codka golaha fulinta.

Sidee loo kala heystaa saamiga awoodda codeynta golaha fulinta

Mareykanka ayaa leh awoodda ugu badan ee saamiga golaha fulinta  ee doorta cidda noqoneysa guddoomiyaha bangiga dhexe waxayna heystaan 16% saamiga codeynta. Jabbaan ayaa soo labeysa waxayna heysataa 6.83%, halka Shiinaha oo kaalinta saddaxaad ku jira uu heysto 4.5% awoodda codeynta.