Bangiga Adduunka oo oggolaaday $ 55 milyan oo lagu caawinayo dhaqaalaha Soomaaliya

199
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa soo dhaweeyay in deeqada Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ugu oggolaaday 55 milyan.

Muqdiaho – Guddiga Sare ee Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay 55 milyan oo dollaar oo ah Kaalmada Horumarinta Caalamiga ah (IDA) oo lagu kabayo Miisaaniyadda dowladda 2020 kaddib markii uu saamayn ballaaran uu ku yeeshay dhaqaaalaha iyo dakhli uruurinta dalka cudurka Covid-19 iyo fatahaadihii ka dhashay roobabka ee dhawaan dalka ka dhacay.

Maalgelinta dheeriga ah waxay ka caawineysaa Soomaaliya fududeynta saameynta dhibaatada COVID-19 iyo sii wadida hirgelinta barnaamijka dib-u-habeynta oo ay taageerayso dib-u-hawlgalinta Soomaaliya iyo dib-u-habeynta Maalgelinta Horumarinta Siyaasadda ee Horumarinta ee loo soo gaabiyo (DPF).
DPF waa maalgelin loogu talagalay Miisaaniyadda sanadka 2020 ee dib eegida lagu sameeyay ee Soomaaliya, taas oo u qoondeysay lacag loogu talo galay isku-dhafka iyo wax ka qabashada qaran ee masiibada, oo ay ku jirto deeqaha la siinayo dowladda si loo hubiyo sii wadidda adeegga.

“Miisaaniyadda dib loo eegay waxay balaarinaysaa xawilaadaha lacagta qoysaska nugul waxaanan siineynaa koror aad u balaaran deeqaha dowladaha hoose si looga caawiyo in ay wax ka qabtaan musiibada marka laga hadlayo dakhliga soo dhacaya,” ayuu yiri Dr. Cabdiraxmaan Beileh, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Maalgelinta dheeraadka ahi waxay gacan ka geysan doontaa isku-soo kabashada farqiga u dhexeeya kharashaadka oo 29% hoos u dhacay saamaynta Covid-19 awgeed.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa sheegay in deeqadaan Bangiga Adduunku Soomaaliya u oggolaaday ay ku mutaysatay maamul wanaagga Maaliyadda iyo hufnaanta dhaqaale ee saddexdii sanno ee la soo dhaafay la gaaray.

“Lacagtaan Deeqda ah waxa aan ku mutaysanay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee aan ku talaabsanay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Deeqda 55 milyan ah ee Bangiga Adduunka ayaa imaanaysa iyadoo bartamihii sanadkaan 2020 Soomaaliya inta badan deymihii Hey’addaha dhaqaalaha Adduunka iyo dowladdaha caalamka ay ku lahaayeen ay ka cafiyeen inta badan balse Soomaaliya waxaa wali sugaysa in ay sharuudaha dhimman ay ka soo baxdo si ay deyn cafinta dhamaystir u gaarto.

SHARE