Bandhigga Carwada Buugaagta oo sanadkii afaraad maanta Muqdisho ka furmay

649

Muqdisho (UM) – Bandhigga Carwada Buugaagta ayaa maanta ka furmay  mgaalada Muqdisho, oo sanadkii afaraad oo si xiriir ah munaasabadan lagu qabanayo Muqdisho burburkii kadib.

Bandhigga bugaagta ee maanta ka furmay ayaa waxaa ka qayb galaya madax kala duwan, qoraayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, Aqoonyahano, iyo marti sharaf kala.

Bandhigan Bugaagta ayaa socon doona muddo Sadex malmood ah iyado inta ay socota Carwada lagu soo bandhigo doonaa Bugaag kala duwan oo u badan kuwa ka hadlaya Afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Waa sanadkii afaraad oo xiriir ah oo bandhiga Carwada Buuggaagta Muqdisho lagu qabanayo.

SHARE