Qaxootiga Ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Ku yaala gobalka Waqooyi Barri ee dalka Kenya ayaa sii wada dibad-baxyo ay kaga soo hor-jeedaan Hay’adaha sama-falka ee ka howl gala dalkaasi.
Qaxootiga ayaa dibadbaxaan dhigaya maalintii Afaraad oo xiriir ah, waxaana lagu soo waramayaa in banaanbaxyadaasi ay xanibeen howlihii Shaqo ee hay’adaha gargaarka ay ka waxaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalkaasi Kenya.
Banaanbaxyadan ayaa yimid ka dib markii sida la sheegay Hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga Adduunka ee (UNHCR) ay sheegtay in ay dhimi doonto tirada shaqaalaha ee ku dhashay xeryaha Dhadhaab.
Qaxootiga ayaa la sheegay in horey tiradoodu ka badneyd 400,000 kun ayaa hada waxay gaareyaan ilaa 230,000 sida ay Hayada UNHCR sheegtay taasi ayaa keentay in dhaqaalihii caalamka ay siin jireen UNHCR hoos u dhacay Ku yimaado.
Dhadhaab, waa xeryo qaxooti oo isu tagay oo ku yaala deegaanada hoos taga magaalada Gaarisa oo xarun u ah gobalka Soomaalida ay degto ee Waqooyi Barri ee dalka Kenya.
Waa xerada qaxooti ee ugu wayn Caalamka waxaana ku nool boqolaal kun oo qof oo u badan dad kasoo cararay colaadaha Soomaaliya iyo Koonfurta wadanka Suudaan.