Banaanbax loogu soo horjeedo dadkii Shacabka ahaa ee lagu laayay degaanka Bariire ayaa saakay kasoo bilowday degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Banaanbayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan dowladda Soomaaliya.
Dadka Banaanbaxaayay ayaa sheegayay in la xasuuqay dad Shacab ah hadana lagu tilmaamay Shabaab ama Argagixiso.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo Mareykan ah ayaa 10 qof oo beeraley ah ku dilay Beer ku taalla degaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Taliyaha Ciidamada Xoogga ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay xasuuqa Shacabka .