Ciyaaraha kubadda Cagta gobalada Soomaaliya, ayaa wali ka soconaya magaalada Muqdisho, ayadoo maanta oo Isniin ah garoonka kubadda cagta Banadir Stadium ay Ku ciyaareen xulalka kubadda cagta Banaadir iyo Galmudug.
Ciyaartan, ayaa ahayd mid xiiso badnayd taasi oo ay ka qayb galeen taageerayaal badan.
Tageerayaal farabadan oo u badanaa kuwa xulka gobalka Banaadir ayaa ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee gobalka Banaadir.
Ciyaarta ayaa waxaa 3:0 (Saddex iyo eber Ku badiyay xulka gobalka Banaadir, ayagoo garaacay xulka Galmudug.
Xulka gobalka Banaadir, oo ciyaarahan marti-galinaya ayaa wada badiyay dhammaan kullamadii ilaa iyo haatan la ciyaaray.
Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ciyaartoyda gobalka Banaadir ugu hambalyeeyay guusha ay maanta ka gaareen ciyaartoyda Galmudug.
War qoraal ah oo baraha Bulshada maamulka gobalka Banaadir ayaa waxaa lagu yiri:
“Ciyartoyda Xulka Gobolka Benaadir oo galabta kaga adkaatay 3=0 Ciyaroyda u Ciyareysay Maamul goboledka Galmudug. Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed, ayaa ku amanay Xulka Gobolka Benaadir Ciyaar Wanaaga ay soo Bandhigeen Galabta”.
Ciyaaraha kubadda cagta goballada dalka, ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda dhalin-yarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana fudadaynaya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta, kaasi oo ay aqoonsan tahay Hay’adda maamusha kubadda Cagta Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo (FIFA).
Dadka Soomaaliyeed, ayaa qabasha ciyaarahan soo dhoweeyay, ayagoo ku tilmaamay inay door wayn ka ciyaarayso is-dhex galka Bulshada Soomaaliyeed.
Hoos ka daawo sawirada ciyaartii maanta dhex martay ciyaartoyda kala matalaysay maamulada Galmudug iyo Banaadir.