Baarlamaanka UK oo markii saddexaad diiday heshiiska ka bixintaan Midowga Yurub

490
Baarlamaanka Britain ayaa markii saddexaad diiday heshiiska Ra'iisul Wasaare Theresa May ee ka bixitaanka Midowga Yurub. Reuters

Baarlamaanka dalka Britain ayaa markii saddexaad diiday qorshaha Ra’iisul Wasaare Theresa May ee ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

344 ayaa diiday heshiiska dowladda Ra’iisul Wasaare May ee ay u soo bandhigtay Baarlamaanka halka 286 mudane codeeyeen, taasi oo ka dhigan in UK ay lumisay waqtigii kama dambaysta ahaa ee shalay ku beegnayd in ay Midowga Yurub uga baxdo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegtay in UK ay tahay inay hesho “hab kale oo loo soo gudbin karo heshiiska”, taas oo “ku dhowdahay” in la qabto doorashooyinka guud.

Hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha Jeremy Corbyn ayaa yiri “Heshiiska hadda waa inuu isbedelaa ” ama Ra’iisul Wasaaraha ay iscasisho.

Dhankale, kumaan qof oo taageersan in UK ka baxdo Midowga Yurub ayaa isugu soo baxay Baarlamaanka hortiisa iyaga oo ka soo horjeeda in dib dhac ku yimid ka bixitaanka Midowga Yurub Brexit.

Ra’iisul Wasaare Theresa May iyo Xukuumadeeda ayaa hadda wada isku daygii afaraad oo ay Baarlamaanka ku horgeynayso in heshiiskeeda la ansixiyo.

Baarlamaanka Britain ayaa maantinta Isniinta ee 12 bisha April go’aan ka gaaraya arrinta ka bixitaanka Midowga Yurub.

SHARE