Baarlamaanka UK oo hal cod ku ogolaaday hindisaha dib u dhigidda ka bixitaanka Midowga Yurub

811
Baarlamaanka Britain ayaa markii saddexaad diiday heshiiska Ra'iisul Wasaare Theresa May ee ka bixitaanka Midowga Yurub. Reuters

Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Britain ayaa  aqlabiyad hal cod ah kaliya ugu codeeyay in Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May in ay Midowga Yurub weydiisato muddo kordhin la xiriirta ka bixitaanka Midowga Yurub si looga fogaado in laga baxo Midowga Yurub iyada oo aan wax heshiis ah lala galin.

Hindise sharciyeedkaan uu soo gudbiyay  Yvette Cooper oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ayaa waxaa hal maalin  kaliya ku meel mariyay aqalka hoose ee baarlamaanka Britain (Commons), hase ahaate waxa uu u baahanyahay meel marinta aqalka sare ee Britain (Lords) si  uu ansax u noqdo. Sidoo kale hindisahaan ayaa u baahan in Midowga Yurub ay go’aan ka gaaraan kordhinta loo sameynayo ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Codeynta ayaa timid kaddib markii Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May ay la kulantay hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbyn si ay ula yeelato wadahadallo la xiriira ka bixidda Midowga Yurub. Wadahadalada dhexmaraya labada dhinac ayaa lagu tilmaamay kuwa  wax tar ah, iyada oo hoggaamiyaha mucaaradka Britain Jeremy Corbyn uu sheegay in ay ahaayeen wadahadallo loo dhanyahay.

Dhinacyo kala metalayay labada xisbi ee shaqaalaha iyo muxaafadka ayaa kulmay habeenkii Arbacada si ay iskula meel dhigaan qorshe midyesan oo ku saabsan ka bixidda Midowga Yurub. Xisbiyadda muxaafidka iyo shaqaalaha oo ka duulaya in aysan dhicin  ka bixid hehsiis la’aan ayaa waxa ay u codeeyeen in muddada loo kordhiyo waqtiga ka bixidda Midowga Yurub.

Cod loo qaaday ayaa waxaa 313 cod ku guuleeystay dhinacyadii u ololeynaya in Ra’iisul wasaaraha ay weydiisato Midowga Yurub muddo kordhin, halka dhinaca kale ay heleen 312. Xildhibaannada xisbiga talada haya ee muxaafidka (Conservative) ayaa si weyn uga soo horjeestay  hindisaha la meel mariyay oo ay sheegeen in uu waqti badan qaadanayo.