Baarlamaanka UK ayaa maanta oo Sabti ah markii ugu horeysay muddo 37 sano ah dood adag ka yeelanaya si ay ugu codeeyaan heshiiska Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ee ka bixitaanka Midowga Yurub (Brexit).
Ra’iisul Wasaaraha ayaa isku dayaya inuu ka dhaadhiciyo xildhibaannada in ay taageeraan heshiiska uu la galay Midowga Yurub, ka hor waxa la filaayo inuu noqdo codka aan la saadi karin waxa uu noqon doono oo ka dhacaya Aqalka loo yaqaan ‘Commons ‘.
Xisbisgiisii hore ee DUP iyo xisbiyada mucaaradka ayaa qorsheynaya in ay ka codeeyaan heshiiskiisa.
Xoghayaha ka bixitaanka Midowga Yurub Stephen Barclay wuxuu qirtay in codbixintu ay noqon karto “mid adag” laakiin wuxuu sheegay in dowladdu “dhagaysanayso walaaca xubnaha baarlamaanka ee dhinacyada oo dhan”.
“Hadda waxaa la joogaa xilligii ay xildhibaannadu u gudbi lahaayeen mas’uuliyadooda si heshiiskan loo meel mariyo, loona oggolaado waddanka inuu horay u socdo,” ayuu u sheegay Telefishinka BBC.
Ugu yaraan sagaal Xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Shaqaalaha ayaa la filayaa in ay taageeraan dowladda halka Ra’iisul Wasaaraha uu rajeynayo in ay taageeraan qaar ka mid ah 21-ka Xildhibaan ee ku jira xisbigiisa Tory ee uu shaqada ka ceyriyay kaddib markii ka soo horjeesteen bishii hore.
Baarlamaanka oo arrintaan dood adag ka yeelanaya maanta ayaa la filayaa in ay saacado dhawr ah ay socoto ka doodista heshiiskii Britain uga baxayso Midowga Yurub.