Baarlamaanka UK oo diiday doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay

718
Baarlamaanka UK oo diiday doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay. Sawirka /Reuters

Shanti todobaad ee hakadka la galinayay baarlamaanka dalka Britain ayaa lagu wadaa in ay bilaabato kaddib markii baarlamaanku uu diiday baaqa dowladda ee lagu doonayay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Codka ay dhiibeen xildhibaano gaaraya 291 oo u codeeyay talo soo jeedinta Ra`iisul Wasaare Boris Johnson  ee qabashada doorasho aan waqtigeeda la gaarin ayaa ku filnaan weysay turada laga rabo in uu guuleeysto mooshinka Boris Johnson.

Si loo qabto doorasho aan waqtigeeda la gaarin Ra`iisulwasaare Boris ayaa u baahnaa saddax meelood labo meel oo u dhiganta 434 baarlamaan ka kooban 650 xildhibaan.

Goor sii horreysay xubnaha mucaaradka ee Baarlamaanka Britain ayaa xaqiijiyay  in aysan taageeri doonin dadaalada uu Ra`iisul Wasaare Boris ku doonayay doorasho dhacda 15 bisha October, iyaga oo ku adkeystay in marka hore la meelmariyo sharci diidaya in Midowga Yurub laga baxo heshiis la,aan.

Ra`iisul wasaare Boris ayaa inkasta oo baarlamaanka Britain uu diiday mooshinkiisa ku aaddanaa doorasho cusub  in la qabto ayaa wacad ku maray in uu heshiis ka bixid ah kula gaari doono Midowga Yurub shirweynaha muhiimka ah  oo ay Midowga Yurub yeelan doonaan bisha soo addan ee October.

Ra`iisul Wasaare Johnson ayaa doonayay in uu baaralamaanka dalkiisa ka helo ogolaansho lagu qabto  doorasho dhici lahayd ka hor 17 bisha October shirka Midowga Yurub, taas oo u gogol xaari lahayd ka bixidda rasmiga ah ee Britain uu ka baxayo Midowga Yurub dhammaadka bsiha October ee sannadkaan.

“Dowladaan horay ayay u sii wadeysa wadaxaajoodka si ay u gaarti heshiis, iyada oo sidoo kalena u diyaar garoobeysa in ay ka baxdo Midowga Yurub heshiis la’aan” Sidaas waxaa baarlamaanka Britain u sheegay Ra`iisul Wasaare Boris Johnson.

Boris ayaa intaas ku daray in  uu tagayo shirka Midowga Yurub si kasta oo baarlamaanku iskugu dayana in ay  hakiyaan aysan marnaba joojin doonin dadaalada uu ku doonayo in uu gaaro heshiis ay ku jirto danta dalka. Dowladdu mardanbe dib uma dhigeyso ka bixidda Midowga Yurub ayuu yiri Ra`iisul Wasaare Boris oo u muuqda mid aad u doonaya in ay ka baxaan Midowga Yurub heshiis ama heshiis la’aan taas oo keentay in baarlamaanku ay shaki ka muujiyaan.