Baarlamaanka dalka Uganda ayaa waxa ay u yeereen Wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi, si wax looga weydiiyo weerarkii 1-dii bishan lagu qaaday xaro militari oo Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin degaanka Buula Mareer oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiye kuxigeenka Baarlamanka Uganda Jacob Oulanyah oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay u yeereen Wasiirka Difaaca, oo Mudanayaasha ay wax ka weydiinayaan weerarkii Buula Mareer, si loo helo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo magacyada Askartii ku geeryootay.
“Dadka waxay u baahan yihiin in ay ogaadaan weerarkaasi khasaarihiisa, Xukuumadda weli kama aanay hadlin, sidaasi darteed waxaan u yeernay Wasiirka Gaashaandhigga, si arrintan wax looga weydiiyo.” Ayuu yiri Guddoomiye Jacob Oulanyah.
Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkii Buula Mareer in ay ku dileen 59 Askari oo ka turwanaa howlgalka Midowga Afrika Ee (AMISOM), hase ahaatee Afhayeenka Ciidamada Dowladda Uganda (UPDF) loo yaqaano oo arimahaasi ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Midowga Afrika ay dileen Ku dhowaad 30 ka tirsan dhaqdhaqaqa Al-Shabaab.