Baarlamaanka dalka Sri Lanka ayaa meel mariyay mooshin codka kalsoonida kala noqonaya Ra’iisul wasaaraha muranka badani macaabistuu ka dhalatay iyo dowladdiisa Mahinda Rajapaksa, maalin kaddib markii Maxkamadda Sare ee dalkaasi ay ansixisay wareegto madaxweyne oo horrey loogu kala diray baarlamaanka.
Guuddoomiyaha Baarlamaanka Karu Jayasuriya ayaa ku dhawaaqay in aqlabiyadda 225-xildhibaan ay u codeeyeen mooshinka ka dhan ah Rajapaksa kaasi oo Ra’iisul wasaare loo magacaabay 26 Oktoobar isaga oo lagu beddelay Ranil Wickremesinghe.
Natiijadaan kama dhigna in Wickremesinghe,kaasi oo diiday inuu ka tagto guriga Ra’iisul waasaraha, uu guulaystay. Inkastoo xisbigiisu uu yahay kan ugu wayn baarlamaanka. Madaxweyne Maithripala Sirisena, oo taageersan Ra’iisul wasaare Rajapaksa, ayaa wali awood u leh inuu soo xusho Ra’iisul Wasaaraha xiga.
Rajapaksa, 72 jir ah iyo xubno xildhiibaano ah oo taageersan oo uu ka mid yahay wiilkiisa oo xildhibaan Namal ayaa markii coddeyntu bilaabatay bannaanka uga baxay baarlamaanka, waxaa ayna sheegeen insayn aqoonsanayn xilka qaadista, isagoo ku tilmaamay mid aan sharciyad haysan coddeynta kalsooni kala noqoshada.
Waddanka Sri lanka ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay wajahayay qalalso siyaasadeed kaddib markii madaxweynaha dalkaasi uu xilka ka qaaday Ra’iisul wasaarahiisa, baarlamaankuna ay diideen arrintaasi.