Muqdisho (UM) – Barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay xeer dalka ka mamnuucaya shirkadda DP world , sidoo kalena waxba kama jiraan ka dhigaya dhammaan heshiisyada shirkaddu la gashay maamulo kala duwan.
Xeerkaan ay meel mariyeen xildhibanada ayaa cinwankiisu ahaa dhawrida Gobonimada gayiga Soomaaliyeed, waxaana inta badan isla qaatay xildhibaanadii soo xaadiray kulanka.
Xeerkaan ayaa dhaqan gal noqonaya marka uu saxiixo madaxweynaha federaalka Soomaaliya.
168 mudane ayaa u coddeeyay xeerka sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Baarlamaanka Soomalaiya ayaa si wada jir ah u qaatay xeerkaan dalka ka mamnuucaya shirkadda DP world oo heshiis la gashay maamulka Somaliland iyo Itoopiya heshiiskaas oo ay si weyn uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya. Sidoo kale heshiiskaan waxa u saameynayaa heshiiska horay u dhex maray maamulka Puntland iyo shirkadda DP world. Xeerkaan ayaa sidoo kale waxa loo gudbiyay oo dood ka yeelan doono Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Waa tallaabdii ugu horreysay ee baarlamaanka Soomaaliya uu shirkad uga mamnuuco in ay ka hawl gasho dalka Soomaaliya,kaddib markii shirkadaas lagu helay in ay ku xadgudubtay madaxbanaaninada Soomaaliya.
Hoos ka daawo Guddoonka Baarlamaanka oo Shaaciyay natiijada kulanka.
Xaquuqda Video : Golaha Shacabka