Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho Ku yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka.
Kulanka waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Shirka mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ugu horeyn waxa looga hadlay go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, uu magaaladda Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.
Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa kulanka ka sheegay in go’aanka dowalda Mareykanka uu halis ku yahay dadaalada nabadda ee Mareykanka uu ka dhex waday Falastiin iyo Israel iyo guud ahaan amaanka Barriga dhexe, isagoo sheegay in golaha shacabka uu arintaas qaraar kasoo saari doono.
Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ayaa soo jeediyay in arintaas qaraar laga dhigo Xildhibaanada arimahaasi aadka u yaqaanana looga baahanyahay in gudiga arimaha dibada kala shaqeeyaan.
Intaasi ka dib Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyay warbixinta Guddiga ee odoroska miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2018-ka.
Waxaa Golaha ka hor akhriyay Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Miisaaniyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya.
kulanka maanta xildhibaanada Baarlamaanka ay Ku yeesheen magaalada Muqdisho, Waxaa ku sugnaa Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow.
Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa aragtidooda ka dhiibtay warbixinta Guddiga Maaliyadda ee ku aadan miisaaniyadda 2018-ka
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Guddiga arimaha Dibadda ee Baarlamaanka looga baahanyahay in qaraarka ay si deg deg ah usoo diyaariyaan.
Guddiga dastuurka ee Baarlamaanka ayaa warbixintiisa hor-gayn doona Golaha Shacabka, sida kulanka uu ka sheegay guddoomiye Jawaari.
Jawaari, ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaanada Golaha Shacabka lagula xisaabtami doono howlaha ay shacabka u hayaan.