Baarlamaanka Soomaaliya oo oggolaaday in G/ Banaadir 13 kursi ku yeesho Aqalka Sare

319

Muqdisho – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in Gobolka Banaadir 13 kursi ku yeesho Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Ansixinta soo jeedinta 13 kursi ee Gobolka Banaadir ku yeelan doono Golaha Aqalka Sare oo ay horey u soo jeediyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa waxaa oggolaaday 142 mudane halka 4 mudane ay diiday cidka amuustay ma jirin.

13 kursi ay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya maanta meelmariyeen ayaa ka dhigan in Gobolka Banaadir oo Caasimadda Muqdisho ku taallo uu heli doono metalaada uu ku yeesho Aqalka Sare balse aysan wali kala caddeyn maqaamka ay yeelanayso Caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 6dii bishaan khudbad uu ka jeediyay furitaankii kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka weydiistay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in Gobolka Banaadir Aqalka Sare metalaad ku yeesho.

SHARE