Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyay Sharciga Xisbiyada Siyaasadda

930

Muqdisho – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u codeeyay Wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa dood ka yeeshay sharcigaan oo Baarlamaanka la horgeeyay dhawaan. Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa dood dheer kaddib u coddeyay waxka beddelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda.

137 Xildhibaan ayaa oggolaaday meelmarinta Sharcigaan. Waxaana diiday 3 mudane halka 2 ka aamustay sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shir Guddoominayay.

Sharcigaan maanta Baarlamaanka meelmariyay ayaa muhiim u ah nadaamka Xisbiyada badan ee Doorashooyinka la doonayo in lagu galo.