Mudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta oo Sabti ah kulan ku leh xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa ansixiyey heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya.
161-mudane oo kulanka goob joog ahaa ayaa wada ogolaaday heshiiska, mana jirin wax mudanayaal diiday iyo kuwa ka aamusay.
Heshiiskan maxaabiista la isku dhaafsanayo ayaa Soomaaliya waxaa u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad.
Hindiya, ayaa waxaa ku xiran boqolaal maxaabiis Soomaaliyeed kuwaasi oo u badan maxaabiis loo haysto falal burcadbadeednimo ah.