Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta cod u qaadaya heshiiska Doorashooyinka dalka

610
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta cod u qaadaya heshiiska Doorashooyinka dalka. Sawirka/ Golaha Shacabka

Muqdisho – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay dood ka yeesbeen heshiiskii dhawaan ay gareen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir ee Doorashooyinka dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in dooda kaddib ay meelmariyaan heshiiska siyaasadeed ee Jihaynta Doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 2020/2021.

Haddii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya heshiiskaan si waddajir ah maanta u ansixiyo waxaa uu dalku aadayaa Doorasho aan qof iyo cod ahayn iyadoo Xildhibaanada ololhooda doorashada Xildhibaanada labada aqal ay bilaaban doonto.

Heshiiskii ay wada gareen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa dhigyay in qorshaha Doorashooyinka dalka uu bilaabanayo 1-da Nofeembar ee sanadkaan 2020.