Xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shir ku yeelanaya xaruntooda magaalada Muqdisho, kaasi oo ay kaga hadli doonaan arimo ay ka mid yihiin go’aankii xukuumadda Soomaaliya ee ku aadana Cabdikariin Qalbi dhagax.
C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), oo ah xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in shirka Baarlamaanka looga hadli doono arinta Qalbi dhagax.
Todobaadkii hore Golaha wasiirada ayaa si cad u sheegay in C/kariin Qalbi Dhagax uu taageerayey Al-shabaab, sidoo kalena falal amni daro ka waday gudaha dalka.
Xildhibaanada ayaa ku kala qaybsan arintan, ayadoo xildhibaanada qaarkood ay xukuumadda ku taageereen go’aankeeda halka kuwa kalena ay diideen go’aanka xukuumadda waxaana ay sidoo kale diyaariyeen mooshin ka dhan ah xukuumadda.