Baarlamaanka Soomaaliya oo dib u furmaya

901

Baarlamaanka Soomaaliya oo in muddo ah ku jiray fasax ayaa maanta la shaaciyay in uu dib hawlishiisa u bilaabi doono tobonka bisha sebtember sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka.

Tobanka bisha September ayaa loo qorsheeyay in uu furmo kalfadhigii afaraad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyada oo la faray xildhibaanada dibadda ku maqan in ay dalka dib ugu soo laabtaan ugu danbeyn shanta bisha September..

Xildhibinaada Soomaaliya oo in muddo ah fasax ku jiray, ayaa waxaa dib ugu bilaabanaya hawlihii baarlamaanka.

Lama sheegin wax  gaar ah oo looga doodi doono kalfadhiga afaraad ama haddii uu jiro hindise sharciyeed horyaalla xildhibinaada.