Muqdisho – Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen guddiyada arrimaha bulshada, gaadiidka iyo maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayay ku joojiyeen in Khaadka Soomaaliya ka soo gala Kenya iyo Itoobiya maadaama laga helay xanuunka Corona Virus.
Go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ee lagu joojiyay qaadka ayaa kusoo aadaya iyada oo dalka Kenya laga helay kiisas cudurka Carona oo gaaraya afar qof, halka Itoobiya uu afar qof ku dhacay cudurka Carona
Ma jirto faahfaahin dheeri ah oo laga bixiyay amarka ka soo baxay baarlamaanka iyo xilliga uu dhaqangalayo.
Dalalka dunida ayaa waxaa faro ba,an ku haya xanuunka Carona kaas oo sababy in dalalka qaar gabi ahaanba la xiro halka kuwa qaarna ay qorsheynayaan in yareeyaan isku socodka dadka ama la mamnuuco dadku in ay dhaqdhaqaaq sameeyaan.
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in kiiska ugu horreyay qofkii qaba caabuqa Fayraska Corona laga helay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Muwaadin ka laga helay xanuunka Corona ayay sheegtay wasaaradda in horrey 4 ruux oo loo karaantiilay uu ku jiray kaasi oo ka yimid dalka Shiinaha markii horena looga shakiyay.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa joojisay muddo 15 maalin ah duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya yimaada.