Baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha Wasiirrada

240

Muqdisho – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh lu ansixiyay Golaha Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xubnaha Baarlamaanka u sharraxay Xukuumadda uu soo dhisay iyo Barnaamijkeeda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay arrimaha ay Xukuumaddiisa xoogga saarayso, sida ka shaqaynta arrimaha Doorashooyinka, amniga, caddaalada iyo wax ka qabashada dhinaatooyinka ka dhanka ah carruurta iyo haweenka.

Golaha Wasiirrada ayaa markii la ansixiyay kaddib waxaa lagu dhaariyay isla xarunta Baarlamaanka.

Xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare soo dhisay ayaa waxaa ku jira xubno cusub oo dhallinyaro u badan iyadoo sidoo kalena inta badan wasiiraddii muhiimka ahaa ee Xukuumaddii hore ay soo laabteen.

SHARE