Muqdisho (UM) – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maaanta ansixiyay wax ka beddel lagu sameeyay Xeerka maamul xulida Guddiga Agaasinka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Xildhibaannadda Baarlamaanka oo kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa dood dheer kaddib ansixiyay xeerkaan.
158 mudane ayaa ogolaaday xeerka, halka 17 mudane ay diideen, wax ka aamusay ma aysan jirin.
Arrinta ku saabsan wax ka beddelka xeerka Bangiga Dhexe ayaa keentay dood ah sida ay u samayn doono shaqada iyo xeerka Bangiga Dhexe.
Xeerkaan maanta Xildhibaannadda Baarlamaanka ay meelmariyeen ayaa ogolaanaya in Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya qof ajanabi ah qaban karo ama Maamuli karo.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay xeerka wax ka beddelka cod u qaadaan maanta kaasi oo ka dhigan in xilka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe qof ajanabi ah uu qaban karo.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore xayaysiisay jagada Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyadoo lagu daabacay wargeyska the Economist kuna boorisay in ajanabita xirfadeeda leh shaqadaan ay soo codsan karaan.
Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa isla maanta ansixiyay wax ka beddel lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhawrka guud ee Qaranka.
163 xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaana diiday 13 xildhibaan, mana jirin cid ka aamustay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shaaciyay in inuu ansax yahay wax ka beddelka lagu sameeyay Hindise slSharciyeedka Hanti Dhawrka guud ee Qaranka.