Baarlamaanka Soomaaliya oo ansaxiyay Hab-maamuuska Xeerka Midowga Afrika

901
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta soo gabagabeeyay dhagaysiga khudbadaha musharixiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka (Sawir hore)

Kulanka golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir goddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/ramaan ayaa lagu ansixiyey hab maamuuska xeerka lagu aas aasay Baarlamaanada Midawga Africa, kaas oo Soomaaliya ay xubin ka tahay.

141-Mudane ayaa ogolaaday xeerkan, waxaana ka aamusay 3-Xildhibaan, sidaas ayuuna ku meel maray, sida gudoonka golaha shacabku sheegeen.

Xeerkan ayaa shalay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay ansixiyeen, ka dib markii uu horgeeyey Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka, mudane Mahad Cabdalla Cawad.