Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa kalfadhigooda maanta su’aalo ku weydiiyay Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo ka qayb galay kalfadhiga.
Xildhibaan Cawil Daad ayaa su’aal dhaliilo huwan weydiiyay Madaxweyne Deni waxa uuna ku eedeeyay in sagaalka bilood ee uu xafiiska fadhiyay ay hoos u dhacday taageerada dowladda oo meelo badan ay kacdoonno ka bilowdeen.
Xildhibaanka ayaa isaga oo hadalka sii wata waxa uu yiri ” Masaajiddo badan cabsi ay maamulka ka qabaan waa ay qunuudaan oo aragtidooda kor uma sheegi karaan”.
Madaxweyne Deni oo ka jawaabayay su’aasha xildhibaanka ayaa si caro ku jirto waxa uu u tixay guulaha maamulkiisa oo uu sheegay in ay ka mid tahay in afar degmo oo gobolka Sanaag ah oo Puntlan aysan horay u joogin ay gaareen .
Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in magaalooyin ay ka mid yihiin Buuhoodle oo horay aan gacantooda ugu jirin ay kusoo celiyeen isaga oo tilmaanay in maanta ay ka furanyihiin dhammaan wasaaradaha dowladda.
Isaga oo sii sharaxaya waxqabadkiisa amni ayuu Madaxweyne Deni sheegay in meelaha sida weyn amnigooda wax looga qabtay ay Boosaaso ku jirto oo horay u ahayd meel aan amni ahaan wanaagsaneyn. Deni ayaa golaha hortooda marqaati u qabsaday dadkii goob jooga ahaa ee ka yimid Boosaaso.
Madaxweyne Deni waxa kale oo uu sheegay in maamulkiisa ay wax ka qabteen dhinaca maaliyadda oo xildhibaanka hadda su’aasha weydiinaya oo ka tirsanaa agaasinkii maamulkii hore ay ku fashilmeen.
Madaxweyne Deni ayaa laga dareemayay in uu yara ka kululaaday su’aasha xildhibaanka waxaana marar xildhibasnku uu isku dayay in uu ka dhex galo uu ku yiri dawladnimada ixtiraam.
Kalfadhiga maanta ayaa jawiga ahaa mid ka badalan sidii hore waxa uuna markii dambe Madaxweynuhu marka uu dhammeeyay jawaabta ka baxay hoolkii baarlamaanka isaga oo laga dheehan karay caro.

























