Garoowe – Waxaa maagalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland ka socda qabanqabaada doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Puntland kaasi oo beddelaya Guddoomiyihii xilka laga qaaday. Xarunta Golaha Wakiilada ee magaalada Garowe ayaa waxaa la filayaa in ay codeyntu mar dhaw ka bilaabato.
Guudoominyaha maanta Golaha Wakiilada Puntland ay dooranyaan Golaha Wakiilada Puntland ayaa beddelaya Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo oo isbuucii hore Xildhibaannada Puntland ay xilka ka xayuubiyeen. Xilka qaadistiisa ayaa waxaa ka dhashay xiisad siyaasadeed.
Xilka Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa u tartamaya saddex musharax oo kala ah Cali Axmed Dhahar, Cabdirashiid Yusuf Jibriil iyo Cabdi Jamaal Cismaan.