Garoowe – Doorasho ka dhacday xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe ayaa waxaa ku guulaystay Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada.
Guddoomiyaha cusub ayaa ku guulaystay codad gaaraya 46 cod, halka musharaxa ku xigay ee Cabdi Jamaal Cismaan uu helay 17 cod, sida uu shaaciyay ku Gudoomiye ku xigeenka.
Guudoominyaha Golaha Wakiilada Puntland maanta ay doorteen ayaa waxa uu beddelayaa Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo oo isbuucii hore Xildhibaannada Puntland ay xilka ka xayuubiyeen. Xilka qaadistiisa ayaa waxaa ka dhashay xiisad siyaasadeed.
Guddoomiyaha la doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa hadal kooban oo uu Golaha ka jeediyay sheegay in uu ku faraxsan yahay natiijada doorashada, sidoo kalena uu ka shaqayn doono horumarinta arrimaha shaqada Baarlamaanka iyo danaha Puntland.