Muqdisho – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Xildhibaannadda ayaa ka dooday ku noqoshada Qoondada Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019.
Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa dood dheer kaddib ansixiyey ku noqashada qoondaha Miisaaniyaddda 2019-ka, iyadoo kooramka Golaha uu ku furmay 141 mudane.
Kulanka ayaa waxa shir Guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Iyo Guddoomiye ku xigeenka 1aad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.
Waxaa cod loo qaaday ku noqashada Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka. Waxaa ogalaatay 118 mudane, waxaa diiday 15, iyadoo ay ka aamustay 8.