Muqdisho – Xildhibaannadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dood adag ka yeelanaya markale Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo dhawaan loo gudbiyay.
Xildhibaannadda Baarlamaanka ayaa toddobaadkaan dooda oo joogto ah ka yeelanayay Hindise sharciyeedkaan oo ay u soo gudbiyeen Baarlamaanka Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan diyaarinta Hindise sharciyeedka Doorashooyinka dalka.
Guddiga ayaa inta aysan sharcigaan u soo gudbin Baarlamaanka wadatashiyo iyo talogalin la soo yeeshay dowlad Goboleedyada dalka sida Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland. Sharciga ayaa hadda maraya akhrinta labaad iyadoo qodobo ka mid Hindise sharciyeedka ay su’aallo badan ka keeneen Xildhibaano badan.