Muqdisho – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahay oo ay yeesheen waxa ay su’aallo ku weydiiyeen wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
Wasiirka Warfaafinta oo ay wehliyaan qaarka mid ah agaasime waaxeedyada wasaaradda ayaa ugu horeyn warbixin kooba Baarlamaanka ka siiyay shaqada wasaaradda iyo hawlaha ay qabato.
Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa wasiirka su’aallo ku saabsan shaqada warbaahinta dowladda iyo sida ay Barnaamijka guud ahaan iyo gaar wararka iyo doodaha Baarlamaanka la xirira tabiso.
Wasiir Maareeye ayaa inta badan su’aallihii Xildhibaannaddu ay weydiiyeen jawaabo iyo sharaxaad ka bixiyay.
Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale sheegay in ay Wasaaraddiisu ay marwalba diyaar u tahay in ay toos u tabiso doodaha iyo hawlaha Baarlamaanka marka uu shirayo ama Hindise sharciyeedyo muhiim ah Shacabka uu ka doodaya, kaliyana loo ogaysiiyo wasaaradda waqtiga uu bilaabanaya uuna dhammaanayo fadhigu.
Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u yeeray Wasiirka Warfaafinta inuu Baarlamaanka hor yimaado si su’aallo looga weydiiyo hawlaha wasaaradda Warfaafinta iyo shaqada ay ummadda u hayso.
Kulanka maanta oo sidoo kale looga dooday Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa waxa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan.