Muqdisho (UM) – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 ee ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda iyo aqrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka.
Baarlamaanka ayaa la filayaa in ay dood dheer ka yesheen inta aysan ansixin ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2018ka.
Baarlamaanka ayaa isniintii ka dooday ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda iyagoo su’aallo badan ka weydiiyay wasiirka Maaliyadda.