Muqdisho (UM) – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Kulanka maanta oo xalay Xildhibaannada Baarlamaanka lagu wargeliyay ayaa la filayaa in looga doodo agendayaal dhawr ah oo ay ku jirto doodaa ku saabsan kala diristii Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shalay kulan la qaatay xubnaha Guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka iyadoo la sheegay in ay ka hadleen qodobo muhiim ah oo ay ka mid tahay arrinta ku saabsan kala dirista xubanaha Guddiga.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka ayaa dhawaan waraaq uu soo saaray ku kala diray Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka arrintaasi oo dhalisay muran iyo dood dheer oo ka dhalatay xeer hoosaadka loo maray kala dirista Guddiga.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhawaan sheegay in arrintani uu uga hadli doono Golaha Shacabka balse lama oga maanta waxa laga filan karo kulanka Baarlamaanka iyo go’aamada ka soo baxa ee arrintaan ku saabsan.