Muqdisho (UM) – Xildhibaannadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maaanta kulan ku yeelanayo xarunta Golaha Shacabka. Kulanka ayaa waxa shir Guddoominaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan isagoo hadal ka jeedin doono kalfadhiga inta aan la gudagalin ajendaha kulanka.
https://twitter.com/Golaha_shac_JFS/status/1078932475492093954?s=19
Ajendaha Kulanka Baarlamaanka ah akhrinta iyo ka doodista warbixinta xeerka Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka oo ah soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.
Xildhibaannadda Baarlamaanka ayaa la filayaa in ah akhriyaan warbixinta xeerka Miisaaniyadda kaddibana ay codkooda ka dhiibtaan si ay u ansixiyaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa toddoobaadkii hore mudanayaasha Baarlamaanka faray in ay soo xaadiraan kalfhiga sabtida si codkooda ay ugu dhiibtaan xeerka Miisaaniyadda dowladda ee 2019.
Ka doodista iyo meelmarinta Miisaaniyadda 2019 ayaa waxaa saamayn ku yeeshay khilaafkii siyaasadeed ee Guddoonka Baarlamaanka soo kala dhexgalay.