Muqdisho (UM) Waxaa furmay kulanka 3-aad Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulanka shir guddoominaya. Kulanka ayaa waxa soo xaadiray 164 mudane.
Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista amniga Qaranka. Waxaana la filayaa in ay Baarlamaanka warbixin siyaan Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow iyo madaxa Hey’addaha amniga.
Baarlamaanka ayaa dhawaan u yeeray in ay Xildhibaannadda hor yimaadaan madaxda Hey’adaha amniga si wax looga weydiiyo xaalaha amniga dalka.