Baarlamaanka oo maanta dood ka yeelanaya xeerka Bangiga Dhexe

624

Muqdisho (UM) – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maaanta kulan ku yeelanayo xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Ajendaha Kulanka Baarlamaanka maanta ayaa ah u codeynta wax ka beddelka sharciga Hantidhawraha guud iyo xeerka Maamul Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Arrinta ku saabsan wax ka beddelka xeerka Bangiga Dhexe ayaa keentay dood ah sida ay u samayn doono shaqada iyo xeerka Bangiga Dhexe.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Guddoomiyaha Bangiga Dhexe qof ajanabi ah loo dhiibayo taasi oo dood kale keentay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay xeerka wax ka beddelka cod u qaadaan maanta kaasi oo ka dhigan in xilka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe qof ajanabi ah uu qaban karo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore xayaysiisay jagada Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyadoo lagu daabacay wargeyska the Economist kuna boorisay in ajanabita xirfadeeda leh shaqadaan ay soo codsan karaan.

Lama oga in Baarlamaanka maanta cod u qaadi doono iyo in kale xeerka wax ka beddelka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.