Muqdisho (UM) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii sedexaad ka dooddaya Miisaaniyadda Qaranka ee 2018-ka iyadoo la filayo in ay meel mariyaan dooddooda kaddib.
Xubno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan si cad u faahfaahsanayn qoondeynta Miisaaniyadda 2108-ka ee Wasaaradda Maaliyadda ay u soo gudbisay xubnaha Baarlamaanka sidaa darteena ay tahay in dood dheer laga yeesho ka hor ansixinteeda.
Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh iyo xubno ka tirsan Wasaaradda ayaa la filayaa in ay xubnaha golaha shacabka uga jawaabaan su’aallo la xirira Miisaaniyadda 2018-ka.