Muqdisho (UM) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maaanta kulan ku yeelanayo xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Ajendaha Kulanka Baarlamaanka maanta ayaa ah ka doodista xeerka Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka oo ay shalay Xildhibaannadda horgeysay Wasaaradda Maaliyadda .
Xildhibaannadda Baarlamaanka ayaa la filayaa in doodooda kaddib warbixinta xeerka Miisaaniyadda ay codkooda ka dhiibtaan si ay u ansixiyaan.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Miisaaniyadda dowladda 2019 ay ka duwan tahay kuwii hore isagoo sheegay in la kordhiyay qoondada loogu talagalay adeegyada Bulshada.