Baarlamaanka oo ka doodday ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2018-ka

692

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta kulankooda caadiga ah yeeshay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo agendahooda uga dooddayay dib u eegista Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018ka.

Kulanka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa looga doodday ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2018ka taasi oo ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda. Kalfadhiga waxaa soo xaadiray 148 Mudane sida uu sheegay guddoonka.

Dood dheer oo ay xildhibaannadu ka yeesheen ayay soo bandhigeen tallooyin iyo sixtaan ku saabsan Miisaaniyadda dowladda ee 2018ka.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ee xukuumadda ayaa xildhibaannaada weydiistay in la ansixiyo ku noqoshada Miisaaniyadda.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa doodda kaddib faray Guddiga Miisaaniyadda Baarlamaanka in ay ka soo shaqeeyaan arrimaha looga dooday fadhiga ee Miisaaniyadda, kana soo dhigaan qaraar, Arbacaddaba dib ugu soo celiyaan Baarlamaanka.

Lama oga waxa keenay xilligaan ku noqoshada iyo wax ka beddelka Miisaaniyadda dowladda ee 2018ka.

Hoos ka daawa sababta keentay in xilligaan wax ka beddel lagu sameeyo.