Baarlamaanka oo cod u qaadaya heshiiskii Soomaaliya Hindiya

633

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho, kaasi oo ay kaga hadlayaan heshiis maxaabiis is dhaafsi ah oo ay kala saxiixdeen xukuumadda Soomaaliya iyo Hindiya.

Xildhibaanada ayaa lagu wadaa inay cod u qaadaan heshiiskaasi dhexmaray Soomaaliya iyo Hindiya.

Baarlamaanka ayaa horay uga dooday heshiiskan.

Heshiiskan maxaabiista la isku dhaafsanayo ayaa Soomaaliya waxaa u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad.

Hindiya, ayaa waxaa ku xiran boqolaal maxaabiis Soomaaliyeed kuwaasi oo u badan maxaabiis loo haysto falal burcadbadeednimo ah.

SHARE