Baarlamaanka oo ansixiyay xisaab xirka Miisaaniyadda dowladda ee 2017

605

Muqdisho – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maalmahan ka doodayay xisaab xirka Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2017ka ayaa maanta meelmariyay.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa malmahaan ka doodayay xeerkaan oo la horgeeyay.

Kulanka maanta waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan. Baarlamaanka ayaa dood iyo su’aalla kaddib waxa ay ansixiyeen xisaab xirka Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2017-ka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa shaaciyay natiijada codeynta.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 128 Mudane ayaa ogolaaday iyadoo 8 xildhibaan diiday halka 6 mudane ay ka aamustay.

Baarlamaanka ayaa maanta sidoo kale akhrinta koowaad marsiiyay hindise sharciyeedka Qareenada Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Nootaayada Dadweynaha,.