Baarlamaanka oo ansixiyay sharciga Iibka Qaranka

822

Muqdisho – Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ku yeeshay xarunta Golaha ayaa ka dooday xeerka Iibka Qaranka iyo Furdooyinka.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa malmahaan ka doodayay xeerkaan oo la horgeeyay.

Kulanka maanta waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan. Baarlamaanka ayaa dood iyo su’aalla kaddib waxa ay ansixiyeen sharciga Iibka Qaranka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa shaaciyay natiijada codeynta sharcigaan oo ay maanta la meelmariyay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 133 mudane ay u codeeyeen sharcigaan iyadoo diiday 2 Xildhibaan halka 4 mudane ay diiday.

Sidoo kale Baarlamaanka ayaa ansixiyeyay sharciga Furdooyinka, waxaana ogolatay 134 mudane, waxa diiday 5 mudane halka sidoo kale 3 Xildhibaan ayaa ka aamustay.