Muqdisho (UM) – Xildhibaannadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maaanta cod wada ogol ah ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019.
Xildhibaannadda Baarlamaanka ayaa dood ay ka yeesheen xeerka warbixinta qoondada Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka kaddib cod aqlabiyad leh ku meelmariyay.
174 Xildhibaan ayaa ogolaaday, ma jiro Xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019.
Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka ayaa shalay waxaa mudanayaasha Baarlamaanka horgeeyay wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyadoo isla shalay Xildhibaannaddu dood ka yeesheen.
Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka ee maanta Baarlamaanku meelmariyay ayaa ah 340 milyan oo dollaar.
Miisaaniyadda sanadka 2019-ka ayaa la ansixiyay iyadoon la samayn xisaab xirka Miisaaniyadda 2018 iyo 2017.